Wednesday, June 12, 2019

The New Era & Its Knowhow - Aqoonta Cusub iyo Waxtarkeeda!


It had been in the year 2014 when I have decided to get enrolled for an important post-graduate course titled ‘Peace and Conflict Studies’ at the University of Hargeisa – and I did complete that as required and attained the ‘Post-graduate Diploma on Peace and Conflict Studies.  The programme was a cross-cutting process regarding the types, theories, analysis of conflict as well as transforming it to a ‘Peaceful co-existence between/among the conflicting parties’ which is one of the driving motives of the United Nations and bigger international community forums.  Some of the areas pertinent to the subject—Peace & Conflict Studies included the internationally accepted theories, the role of media in causing conflict and resolving it on the other hand, Peace building versus Peacekeeping, Indigenous ADR, Human Rights, Environment and Gender.

I really felt grateful to have detected that important ad on the local papers at the outset and went ahead to it.  It not only changed the way I was looking at the different conflicts—local, regional and international but it helped me to be able to come up with the possible scenarios that could be mitigating or aggravating a certain issue that may encounter me or I got to know about it, thus, I would collect, analyze and present a short article that in an amateur and academically-motivated form based on the publicly available data on reliable websites, YouTube and Social Media.  This could be used as a literature should it match an area of interest for someone here or there, but proper citation will be needed!

By the way, in order to be further be conversant to this topic in an international setting, I decided to study Global Studies and International Relations as my Masters which I have recently concluded and continue reading multiple different books on these two areas where I have become experienced—PACS & GSIR.

In both English and Somali languages, I shall be publishing on my LinkedIn and Blogger.com pages personal articles on different issues across the Somali & Arabian Peninsulas, the Horn of Africa and Africa where conflicts and Peace Operations are prevalent currently as of 2019!

Samatar G. Ahmed
MA in Global Studies and International Relations |
C/o: Hargeisa, Republic of Somaliland

Summarized Translation in Somali:

Waxay ahayd badhtamihii sannadkii 2014 markii aan ku arkay mid ka mid ah jaraa’idada kasoo baxa magaalada Hargeysa xayaysiis baahinaya in ay Jaamacadda Hargeisa qaadanayso dufcad cusub oo baran doona ‘Barashada Xallinta Khilaafaadka iyo Nabada’ aanan ku dhiiraday inaan ka midho-dhaliyo illaa dhamaadkii kuna guulaystay.  Qeybaha ay waxbarashadaasi ka koobnayd waxa kamid ahaa, Adduunka kale ee aan Somalida ahayn, side dadka aqoonyahaka ahi u daraaseeyeen ugana soo saareen ‘hal-muceedyo-theories’ la isla ogolyahay oo quseeya noocyada kala duwan ee khilaafaadka ka dhaca adduunyada; kala-duwanaanshaha raga iyo dumarku side ayuu u saameeyaa marka khilaaf ama dagaal dhaco doorkeesee dhinac waliba ciyaaraa; degaanka, isgaadhsiinta/saxaafadda iyo khayraadka dabiiciga ahi door ma ku leeyihiin inuu khilaaf abuurmo; dhanka kale marka dagaal qarxo, xuquuqda aadamuhu maxay dambarsataa, dadka aan dagaalka ku jirin ee afka soomaaliga lagu yidhaa ‘maxasta’ xaalkoodu siduu ku dambeeya; intaasoo dhan ka dib sidee loo xallin karaa dhibkaa iyo dagaalkaa dhacay?

Haddaba aqoontaa cusub ee igu soo korodhay sannadkaasi oo aan runtii aad u mahadiyay waxa ay ii saamaxday in aan fikir ahaan iska bedello qaabkii hore ee aan u arki jiray khilaafyada ka dhaca deegaanka aa ku noolahay ee Somaliland, gobolka Geeska Afrika iyo wadamada jaarka ahba sida Yemen oo hadda dagaal riiq-dheeraaday kasocdo muddo sannado badan ah illaa 2011 la islana daalay isuna bedelay hadda dagaal balaadhan (proxy war) ay ku loolamayaan awoodo aan ahayn reer Yemen.

Daraasaadkii aan samaynay iyo akhriskii badnaa arrinkan la xidhiidhay wuxu igusii dhiiri geliyay inaan barto kuna diyaariyo waxbarashada heerka 2aad ee Masters of Arts – Barashada Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Qaababka Ibnu-Aadamku ugu nool yahay ifka kaas oo aan dhawaan dhamaystay haddana weli wado akhriskii dheeraadka ahaa ee buugaag kala duwan, maqaalo ay qoreen dad faro badan oo arrimahan hore u bartay, ugu shaqeeyay, dadkoodana ku matalay sidii noloshooda iyo dawladahoodaba ay wax ugu tari lahaayeen, calal aqal fikir saliim ah oo umadda inta badan anfacaya ugu tuuri lahaayeen dhegaha inta soo jeedda kaasoo marka dambe gaadhi kara cid saamayn iyo awoodba u leh in ay hir-geliso.

Anoo adeegsanaya luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliba, waxa aan ku qori doonaa bogagayga LinkedInka iyo Blogger.com qoraallo shaqsi oon marnaba si gaar ah u quseyn Karin cid gaar ah balse taxliilinaya arrimo kala duwan oo ka jira dhulka Soomaalida ee Geeska Afrika, wadamada la jaarka dhulkii la odhan jiray ‘Somali Republic’ iyo Afrika guud ahaamba.  Qoraaladaasi waxay gabi ahaanba ku salaysnaan doonaan xogaha bacadyaalka ah ee ku jira boggaga internet-ka, Youtube, Buugaag Qoran, iyo fikir ahaan taxliilin shaqsi ah sida aan u arko anigoo isu gaynaya aqoonta aan bartay iyo qaab-fikirkeyga dabiiciga ah isla markaana aan cidna ku metelin!

Samatar G. Ahmed (Hargeysa, Somaliland)

Followers